Xaflad qalinjabin ah oo dhalinyaro tababar uga socday
xarunta SCERDO loogu qabtay Magaalada Edmonton.
(Edmonton, Alberta, May 21, 2011
Ceegaag Online)
Xafladan oo
si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa lagu qabtay xarunta
hay’adda waxbarashada iyo hurumarinta reer miyiga ee
SCERDO (Somali Canadian
Education and Rural Development Organization).
Xafaladdan
oo ay ku qalin jabiyeen arday tababar uga socdey xarunta
SCERDO Lixdii bilood ee tagay, ayaa waxaa ugu horeyntii ka
hadley Amal Issa ah gudoomiyaha dhalinyarada ee hay’adda
SCERDO iyadoo u mahadcelisay dadweynhii kasoo qaybgalay
xaflada isla markaana u jeedisay hadal dardaaran ah
dhaliyaradii loosoo xidhay tababarka iyadoo ku adkeysay in
ay ka faa’ideystaan fursadan qaaliga ah ee ay heleen.
Kusimaha
Gudoomiyaha guddiga fulinta ahna tababarihii dhalinyaradan
Mr. Khalid
Hashi oo hadal kooban ka jeediyay
xaflada ayaa ardayda u sheegay farxada maanta
waalidiinta la qaysaneysaa inay tahay hadba sida ay ugu
hamiyaan waxkabadalka Bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan
magaalada Edmonton.
Morgan Walker
oo ka socotay xafiiska shaqaaleysiinta ee Dowladda Canada
ayaa u mahadcelisay hay'adda SCERDO iyo
ardaydii qalin jabisay iyadoo sheegtay
in ay aad ugu faraxsantahay in
mashruucan uu noqdo mid si guul leh ku dhamaaday.
Morgan Walker oo ka socotay
Service Canada..
Mr. Peter Goldring, Member of Parliament for Edmonton East,t
ayaa isagu ka
cudurdaartay inuu ka qaybgalo xafladan laakiin shahaadooyin
iyo hambalyo usoo diray ardeydii qalinjabisay iyo waliba
Hay’adda SCERDO.
Waxaa
xafladan kasoo qaybgalay dhamaan waalidiinta ardeydii
qalinjabisay, sidoo kale waxaa xaflada ka qaybgalay Prof. Ali Abdi
oo wax ka dhiga Jaamacada Alberta University,
C/llaahi Xasan Dhooble iyo qaar ka
mid ah Boardka Hay'adda SCERDO Nadra Issa, Iimaan
Ahmed, Liban Ali, Lul Ibraahim, Mohamed
Ismail iyo C/nur Saalax … sidoo kale waxaa qaybta warbaahinta ka
socdey TV-ga Omni oo ka howlgala magaalada Edmonton..
Ugudanbeyntii xafladan ayaa lagudoonsiiyey ardayda
shahaadooyin iyo abaalmarino.
Source: SCERDO
webmaster@ceegaag.com
|